Goobjoog

Dowladda federaalka Oo Dardargelineysa Wadahadallada Somaliland

Dowladda federaalka Soomaaliya aya sheegtay iney dar-dargelineyso wadahadalladii ay la lahaayen Somaliland. Madaxweynaha dowladda Federaalka, Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa sheegay in ay u ballanqaadayaan madaxweynaha cusub ee Somaliland dardargelinta…

Dowladda federaalka Oo Dardargelineysa Wadahadallada Somaliland

Dowladda federaalka Soomaaliya aya sheegtay iney dar-dargelineyso wadahadalladii ay la lahaayen Somaliland.

Madaxweynaha dowladda Federaalka, Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa sheegay in ay u ballanqaadayaan madaxweynaha cusub ee Somaliland dardargelinta wadahadalladii socday.

“Madaxweynaha la doortay Mudane Muuse Biixi Cabdi waxaan u ballanqaadayaa inaan kala shaqeynayo dar-dargelinta wadahadalladii u dhaxeeyey Dowlada Federaalka iyo Somaliland si aan u soo celinno kalsoonida shacabka” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Wadahadalladii u dhaxeeyay dowladda Federaalka iyo Somaliland ayaa hakad galay kadib is faham waa Labada dhinac soo kala dhexgalay.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments