Wasiirka wasaaradda warfaafinta ee xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa faah faahin dheeraad ah wuxuu ka bixiyey howlgal ay ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Maraykanka ka sameeyeen Gobolka Baay.
Waxa uu sheegay wasiirka in duqeyn lala beegsaday xero tababar oo ay Al-shabaab ku lahayen deegaanka Buur Ceelcade oo hoostagta degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.
Wasiirka oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in duqeyntaasi lagu diley ku dhowaad 100 dagaal yahan oo ka tirsan Al-shabaab.




From the comments