Askari ilaale ahaa ayaa lagu soo waramayaa in uu magaalada Muqdisho uu ku dilay Allaha u naxariistee xildhibaan Maxamed Cabdi Guuleed oo ka tirsanaa baarlamaanka maamulka Galmudug.
“Marxuum Xildhibaan Maxamed Cabdi, keligiisa ayaa gaariga waday, waxaa xabad ku riday askari ilaale ahaa” sidaasi waxaa Goobjoog News u sheegay Xildhibaan Garaad Yusuf Maxamed oo isna ka tirsan xildhibaannada Galmudug.
Xildhibaan Garaad Yusuf Maxamed waxaa uu sidoo kale sheegay in gaariga rasaasta furay la sheegay in uu lahaa Xildhibaan ka tirsan golaha shacabka, Marxuum Maxamed Cabdi waxaa lagu dilay isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho.




From the comments