Dagaal u dhaxeeyay maleeshiyaad kala taabacsan maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, kaasi oo khasaare geystay.
Dagaalkan ayaa ka dhacay suuqa magaalada Gaalkacyo, waxaana uu bilowday kadib muran ku aadan goobo ganacsi oo Labada dhinac soo kala dhexgalay.
Ugu yaraan 1 qof ayaa ku dhintey dagaalkaasi, sidoo kalena 3 kale ayaa dhaawacntay sida ay inoo sheegeen goob joogayaal ku sugan Gaalkacyo.




From the comments