Isbaheysiga Carbeed Oo Dib U furaya Dekadda Iyo Garoonka Sanca

Isbaheysiga Carbeed oo uu hogaaminaayo Sacuudiga ayaa sheegay in ay furi-doonaan dekadda iyo Garoonka magaalada Sanca maanta oo khamiis ah si ay u maraan kaalmooyinka gargaar ee la gaarsiiynayo dadka dhibaateytsan.
Todobaadkii la soo dhaafay ayaa waxaa la furay dekadaha dhulka iyo cirkaba kuwaasi oo horay ay u maamuleysay dowladda.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in intaasi keliya aysan ku filneyn, dadka rayidka ahna ay u dhimanayaan macluul ayna ka sii dareyso maalimba maalinta ka dambeysa.
November 6 ayey aheyd markii sibaheysiga Carbeed oo uu hogaaminaayo Sacuudiga ay sheegeen in si ku meel gaar ah ay u xireen dhammaan xaduudaha Yeman oo iskugu jira Cirka,Dhulka iyo Badda, waxayna arrintaasi ka dhalatay labo maalin ka dib markii Kooxaha Xowthiyiinta ah ay gantaal ku soo tureen dhanka magaalada Riyaadh.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 20 milyan oo Yemaniin ah ay u baahanyihiin Kaalmooyin degdeg ah ,waxaan ku jira milyan oo caruur ah sidoo kale 400 oo kun oo kale oo caruura kuna sugan Yeman waxay la ildaranyihiin nafaqo darro.
Goobjoog News