Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo doorashadii ka dhacday 13-kii bishan degaannada Somaliland.
Wuxuu sheegay in reer Somaliland uu ugu hambalyeeynayo doorashadani iyo qaabka ay u mareen.
“Marka hore waxaan rabaa inaan u hambalyeeyo doorashada ay reer Somaliland ay doorteen madaxweynahooda cusub, walaalaheen oo tartankii ay ku tartameen Saddex xisbi, umadda Soomaaliyeed oo dhan ee guushii meeshaas ka dhacday, deganaantii iyo sharaftii, Soomaali oo dhan ayay hambalyo u tahay waana isku hambalyeynaynaa, waxaan u hambalyaynayaa walaalkeey Muuse Biixi oo loo doortay madaxweynaha Somaliland” ayuu yiri Cabdi Qeybdiid.




From the comments