Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgal ballaaran oo amniga lagu xaqiijinayo waxay ka sameeyeen deegaanno dhowr ah oo hoostaga degmada Baraawe ee gobolka Shabellaha Hoose.
Guddoomiyaha degmadaasi Aadan Cumar Madoobe oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in howlgalkaan uu ahaa mid qorsheysan, islamarkaana deegaannada ay tageen aysan la kulmin wax dagaal ah oo dhanka Al-shabaab kaga yimaada.
Wuxuu sheegay iney soo qabteen dad lagu tuhmayo iney falal amni darri maleegayeen, haatanna baaritaan ay ku wadaan.




From the comments