Ciidanka badda maamulka Puntland ayaa dad isugu jira Soomaali iyo Ajaanib kusoo qabqabtay howlgal ay ka sameeyeen xeebta Garacad ee gobolka Mudug.
Guddoomiyaha deegaanka Garacad C/nuur C/laahi Xirsi oo wareysi siiyey Goobjoog News, ayaa sheegay in ay ciidamada gacanta ku dhigeen Nin Soomaali ah iyo sidoo kale Saddex nin oo Ajnabi ah una dhashay dalka Yemen.
Wuxuu sheegay guddoomiyaha in raggan ay u sheegeen in dooni ay ka shidaal beeshay, sidaasina ku yimaadeen xeebta Garacad, balse markii lasii baaray la waayey Doon ay wateen waa sida uu hadalka u dhigaye.




From the comments