Siyaasi Cabdi Xaashi C/salaam oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in carqalad siyaasadeed ay ka dhalan karto dalabkii 23-kii bishan ay maamul goboleedyada u jeediyeen aqalka sare ee baarlamaanka, kaasi oo ku aadan in la hakiyo dhammaan hindise sharciyeedyada la meelmarinayo.
Waxa uu tilmaamay in xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre laga doonayo iney fuliso balamihii ay la galeen madaxda maamul goboleedyada.
“Wixii lagu heshiin haddii aan la fulin hadde waxaa imaaneysa carqalad siyaasadeed oo ka dhex bilaabanta dowladdii dhexe iyo dowlad goboleedyada” ayuu yiri Cabdi Xaashi.




From the comments