Qaar kamid ah dhallinyarada ku dhaqan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa magaaladaasi ka bilaabay Olole ay dib ugu soo celinayaan bilicda magaaladaasi.
Dhallinyaradan oo la hadlay Goobjoog ayaa sheegay in si iskood ah ay u nadiifinayaan magaalada, waxaana ay hal ku dhig ka dhigteen u hiili dalkaaga oo qurxi magaaladaada.
Waxaa la arkayey dhallinyaradan oo wata qalabka wax lagu nadiifiyo, waxaana ay magaalada ka qaadayeen qashinka.




From the comments