Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa culimada Soomaaliyeed uga mahadceliyay sida ay dadka ugu wacyi-geliyaan howlaha qaranka
“Culamadeennu waa ku mahadsan yihiin howsha ay qabteen, in ay dadka ku baraarujinayaan qof walba oo Soomaali ah in uu istaago uu diintiisa difaacdo, maxaa yeelay dadkan waan ognahay in aysan aheyn dad Islaam ah, Islaamku ma ogola dad aan waxba galabsan in la xasuuqo, Islaamku ma ogola in lala laayo dad shacab ah, islaamku waa diin wanaagsan, oo nabadeed, waa diin hor-umar, waa diin xadaarad leh, waa diin dul-qaad badan, micnaheedu waxa ay tahay in culamadeennu u istaageen in ay dadka u sharxaan, dadkaasi waxaa ay u dagaalaayaan ineysan aheyn Diin”
Madaxweynaha ayaa sabtidii, waxaa uu ka qeyb galay xaflad lagu furay tababar Booliis oo loo furay dhalinyaro, la dagaallama sida uu sheegay nabad-diidka, dufcadanna ay yihiin kuwii ugu horeeyay ee ka soo jawaabay kadib baaq uu jeediyay qaraxii October 14.




From the comments