Goobjoog

Galmudug Iyo Ahlu-sunna Oo Ku Wadahadlaya Jabuuti

Maamullada Galmudug iyo Ahlu-sunna Waljameeca ayaa lagu wadaa in Isniinta berri ah (27-11-2017) wadahadal uga furmo magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti. Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo…

Galmudug Iyo Ahlu-sunna Oo Ku Wadahadlaya Jabuuti

Maamullada Galmudug iyo Ahlu-sunna Waljameeca ayaa lagu wadaa in Isniinta berri ah (27-11-2017) wadahadal uga furmo magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti.

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay dalka Jabuuti, iyadoo sidoo kale mas’uuliyiinta Ahlu-sunna ay iyaguna u ambabaxayaan dalkaasi.

Ulajeedka shirkaan ayaa ah in ay isku soo dhowaadaan Ahlu-sunna iyo Galmudug, waxaana isku keenistooda kaalin ka qaadanaya ururka IGAD.

Madaxweyne Xaaf ayaa horey u sheegay in dedaal walbo u mari doono sidii ay ula heshiin lahaayeen maamulka AHlu-sunna oo maamula qeybo kamid ah Galgaduud.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments