Sida ay sheegayaan saraakiil xagga amniga ah, Kenyaan badan oo ka tirsanaa xarakada Al-shabaab ayaa u cararaya dhanka xadka Kenya kadib duqeyn ay ciidamada Mareykanka halkaasi ka fuliyeen.
Kooxaha Kenyaanka ah ayaa lagu eedeeyay in ay u basaasaan Mareykanka si uu u deeqo goobaha ay ku sugan yihiin xarakada Al-shabaab ee gudaha Soomaaliya.
Sarkaal la hadlay The Star, Kenya ayaa sheegaya in dowladda Kenya ay ciidamo badan geysay xadka ay la wadaagto Soomaaliya si loo qabto kooxaha soo galaya dalkooda.




From the comments