Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa magaalada Riyad ee dalka Sucuudiga uga qeyb galay shirka Wasiirrada Gaashaandhigga ee isbahaysiga la-dagaalanka argagixisada. Waxana kulankani ka qeybgalaya in ka badan afartan waddan, iyadoona diiradda lagu saaray dhibaatada ay kooxaha argagaxisada ah ku hayaan dalalka Islaamka.
Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo khudbad dheer ka jeediyey shirka ayaa ugu horeyn uga mahad celiyey Boqortooyada Sucuudiga ee marti gelisay shirka, wuxuuna ka waramay sida ay dawladda Soomaaliya uga go’an tahay ciribtirka kooxaha xagjirka ah.
Mudane Khadar ayaa ka warbixiyay dhibaatada kooxda Alshabaab ku hayso shacabka Soomaaliyeed, isagoo soo qaatay qaraxyadii ugu dambeeyey ee ka dhacay Muqdisho oo ku naf-waayeen shacab aan waxba galabsan iyo sidoo kale qaraxii bishan ka dhacay dalka Masar.





From the comments