Hey’adda UNICEF ayaa axaddii sheegtay in illaa 11 Milyan oo caruur Yemeniyiin ah ay u baahan yihiin gargaar banii’aadamnimo oo degdeg ah.
Sida uu sheegay Geert Cappelaere oo ah madaxa xafiiska hey’adda ee bariga dhexe mar uu hadlayey shir saxaafadeed uu ku qabtay caasimadda Urdun, 11-kaas Milyan ee caruurta ah, waxaa ay u dhigmaan 40% tirada guud dadka reer Yemen.
Mas’uulkan waxaa uu intaasi ku daray in dagaalka ka socda Yemen ay ku dhinteen in ka badan 5 kun oo caruur ah 5tii sano ee la soo dhaafay, isaga oo soo qaatay in caruur badan iskuullada ka hareen, qaar caafimaad darro heyso iyo illaa hal miyan oo nafaqo darro soo ridatay.




From the comments