Waxaa goordhaw markii 2aad madaxweynaha dalka Kenya loo dhaariyay Uhuru Kenyatta, arrintan ayaa dhacday xaflad ka dhacday garoonka kasaraani taasi oo ay ka soo qeyb-galeen in ka badan 10 hoggaamiye oo Afrikaan u badan.
Dhinaca kale, War-murtiyeed ka soo baxay madaxtooyada Isra’iil ayaa waxaa lagu sheegay in Benjamin Netanyahu uu khudbad ka jeedin doono munaasabdda Caleema saarka Kenyatta, ka dibna waxaa uu kulamo la yeelan doonaa madaxda dowladaha ka qeyb-galaya xafladda.
Netanyahu ayaa dhankiisa saakay warbaahinta la hadlay ka hor inta uusan ka soo duulin Tel Aviv waxaa uuna yiri “Afrika waa markii sadexaad oo aan booqdo muddo halsano iyo bar gudahood ah, waxaan halkaasi kula kulmi doonaan madaxweynaha Kenya,s idoo kale waxaan la kulmi doonaa toban hogaamiye oo qaaradda Afrika ah”.




From the comments