Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa booqasho ku mari-doona qaar ka mid ah wadamada qaaradda Afrika oo ay ka mid yihiin Burkina Fasko, Ghana iyo Côte d’Ivoire sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee dalka Faransiiska ee AFP.
Macron ayaa haatan ku sugan Burkina Fasko, isaga oo la kulmi-doona arday, isla markaana furi-doona mashaariic horumarineed oo dalkiisa maalgelinayo.
Madaxweynaha Faransiiska ayaa lagu wadaa in uu uga sii gudbo Abidjan halkaasi oo ay ka dhaceyso shir madaxeedka 5aad ee Yurub iyo Afrika.




From the comments