Madaxweynaha Soomaaliya ayaa haatan ku sugan dalka Kenya si uu uga qeyb-galo caleemo-saarka Uhuru Kenyatta oo mar kale ku guuleystay Doorashadii ku celiska aheyd ee dhawaan ka dhacday dalka kenya.
Inta uu ku suganyahay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo magaalada Nairobi ayaa waxaa uu la kulmi doonaa qaar ka mida madaxda ka soo qeyb-galeysa caleema saarka.
Uhuru Kenyatta ayaa waxaa uu ku guuleystay doorashada ku celiska aheyd 26 bishii October,waxayna ka dhaceysaa xafladda caleema Saarka garoonka kubadda cagta ee Kasaarani .




From the comments