Wasiirka amniga maamulka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed oo wareysi uu siiyay Goobjoog News ayaa wuxuu kaga hadlay ujeedka safarro uu maalmihii dambe ku bixinayay degmooyin ka kala tirsan gobollada Baay iyo Bakool.
Wuxuu sheegay in ciidamada ay u diyaariyeen sidii ay howlgallo uga sameyn lahaayeen degaannada ka maqan gacantooda ee gobolladaasi.
Wasiirka amniga Koonfur Galbeed Xasan Maxamed ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka ay heleen mushaaraadkooda ay xaqa u lahaayeen. “Muhiimadda ugu horreysa ee safarkeenna waxaa uu ahaa sidii loogu kuur-geli lahaa xaaladda deegaannada guud ahaan gaar ahaan ciidamada deegaannada ay joogaan, waxaan tagay degmooyin badan oo ay ka mid yihiin Xudur Buur-hakabo iyo Waajid ciidamada horay waxay ugu jireen dagaallo “.




From the comments