Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Xarakada Al-shabaab ayaa gelinkii dambe ee maanta ku dagaallamay deegaanno hoostaga degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.
Dagaalyahannada Al-shabaab ayaa la sheegay iney jidka u galeen gadiid dagaal oo ay la socdeen ciidanka dowladda, kuwaasi oo ka ambabaxay degmada Buurhakaba kuna wajahna magaalada Baydhabo.
Waxa jiro khasaare soo kalagaaray Labada dhinac, balse illa iyo hadda lama oga inta uu la egyahay.




From the comments