Dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al-shabaab ayaa la sheegay in weerar saf ballaaran ah ay ku qaadeen gabaldhacii Taladaada (shalay) kolonyo ay la socdeen ciidamo ka tirsan dowladda Kenya.
Ciidamada Kenya oo marayey waddo isku xirta Wittu iyo Gamba oo ka tirsan Lamu ayaa la sheegay in dagaal xooggan ay kala kulmeen Al-shabaab, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare kala duwan.
Larry Kieng, taliyaha ciidamada Booliiska ee Lamu ayaa sheegay in markii Al-shabaab soo weerarayeen ciidankooda ay galbinayeen Basas badan oo shacab saarnaa, waxaana meel howt ah uga soo baxay dagaalyahanno hubeysan.




From the comments