Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in safar uu ku tago wadanka Ivory coast, halkaasi oo uu ka furmi doono shirka madaxda dalalka Afrika iyo Yurub.
Shirkaan ayaa looga hadli doono arrimo badan oo ku aadan xiriirka Labada qaaradood, waxaana sidoo kale waxyaabaha looga hadli doono shirkaan kamid ah xaaladda Soomaaliya.
Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa in shirkaan uu ka jeediyo khudbad dhinacyo badan taabaneyso, kagana hadli doono xaaladda dhaqaale, amni iyo midda siyaasadeed.




From the comments