Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo 13-kii August isku soo dhiibay dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta gaaray degmada Xudur ee gobolka Bakool, halkaasi oo markii horeba uu kasoo bilowday safarkii uu ku imaanayey magaalada Muqdisho.
Roobow oo ay wehlinayaa xubno uu kamid yahay wasiirkii hore ee difaaca xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu soo dhoweeyay degmada Xudur.
Weli lama sheegin ulajeedka uu u tagay degmada Xudur, hase ahaatee degmadaasi iyo deegaanno ku dhow waxaa ku sugan ciidankii isaga daacadda u ahaa.




From the comments