Madaxda Sacuudiga ayaa siidaayey Amiir Mutaib bin Abdullah oo ahaa wasiirkii hore ee ilaalada qaranka Sacuudiga ka dib 3 todobaad oo uu xirnaa sida ay sheegeen mas’uuliyiin sacuudiyiin ah.
Mas’uul sare oo ka tirsan Sacuudiga ayaa sheegay in Amiir Mutaib bin Abdullah siideytiisa ay timid ka dib markii lagula heshiiyey inuu bixiyo lacag ka badan 1 bilyan.
Ilo wareedyo horu dhac ah ayaa waxay sheegayaan in madaxda Sacuudiga ay heshiis la galeen maalqabeennada ay heystaan,kaasi oo ah in lacag ay ku badashaan xoriyadooda.




From the comments