Qoraal ay soo saareen Africom ayaa lagu sheegay in weerarkii Mareykanka iyo ciidamada Soomaalida ay ka filyeen Bariibe August 25, 2017-kii ay ku waxyeeloobeen oo keliya koox hubeysan oo aanu rayid ku jirin.
“Kadib markii aan qiimeyn guud ku sameynay howlgalkii ay hoggaaminayeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee ka dhacay Bariire August 25, 2017-kii iyo sheegashada ah in rayid halkaasi ku dhinteen, Baaritaan ay sameysay U.S. Special Operations Command Africa (SOCAF) waxaa ka soo baxay in dadka halkaasi lagu dilay ahaayeen koox cadaw ah oo hubeysan” sidaasi waxaa lagu sheegay qoraalka
Dowladda Mareykanka waxaa uu ku doodaysaa in mar walba inta aaney weerar qaadin ogyihiin halka ay ku socdaan iyo waxyeellada rayidka soo gaari karta“Inta aan howl-gal la gelin ciidamada Soomaaliya, SOCAF waxaa qorsheysaa in waxyeelo soo gaari-karto dad rayid ah iyo in loo hoggaansamo xeerarka dowliga ah ee xilliyada dagaalka la xiriira, waaxda difaacana waxaa ay mar walba si baartaa eedeymaha la xiriira waxyeellada rayidka.




From the comments