Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in diyaarado dagaal oo joog hoose ku socda ay dul heehaabayaan deegaanno kamid ah gobolkaasi, iyadoo dadka ku dhaqan deegaannadaasina ay cabsi weyn soo wajahday.
Wararka ay helayso Goobjoog News, ayaa waxay sheegayaan in deegaanno badan oo hoosyimaada degmada Garbahaarey ay dul socdaan diyaaradahan oo aan la ogeyn dalka laga leeyahay, iyadoo la sheegay in halkaasi ay soo gareen dagaalyahanno badan oo Al-shabaab ah.
Dad ku sugan halka diyaaradahan lagu arkay ayaa inoo sheegay in dagaalyahannada Al-shabaab ee hadda soo gaaray Gedo ay la socdaan saraakiil, waxaana ay kasoo talaabeen dhanka gobolka Jubada Dhexe.




From the comments