Mas’uuliyiin ka tirsan maamul Shabeellada dhex ayaa tagay degmooyin ka tirsan gobolkaasi si ay u soo arkaan jidgooyooyin ay dhiganayaan maleeshiyaad hubeysan.
Socdaalkan ay mas’uuliyiinta gobolka shabeellada dhexe ay ugu amba baxeen degmada Warshiikh ee gobolka Sh/dhexe ayaa waxaa u jeedkiisa lagu sheegay sidii ay ugu kuur-geli lahaayeen xaaladda ammaan ee ka jirta degmada War-sheekh iyo deegaanka Ceel-macaan.
Mas’uuliyiinta halkaasi aaday ayaa waxaa hor-kacayey guddoomiyaha maamulka gobolka Axmed Makaraan, waxaana ku wehlinaya qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladdaFedaraalka Soomaaliya ee ku sugan magaalada Jowhar.




From the comments