Wararka ka imaanaya gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay dagaal xooggan oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab.
Wararku waxay sheegayaan in dagaalyahannada Al-shabaab ay jidka u galeen kolonyo ay la socdeen ciidamada dowladda, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare kala duwan.
Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaasi ku dhintey Saddex qof oo dhinacyadii dagaallamay ah, iyadoo dhaawacana uu intaasi ka badan yahay.




From the comments