Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka ayaa shahaadooyinkooda aqoonsiga diiwaangelinta maanta siiyay 8 xisbi siyaasadeed, iyadoo munaasabad arrintan ku aadan ay ka socoto mid kamid ah hoteellada magaalada Muqdisho.
Xisbiyadan la siiyey Shahaadooyinkan ayaa waxay soo buuxiyeen shuruudihii la hordhigay.
Munaasabaddan waxaa ka qeybgalaya guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Qadar, xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale.





From the comments