Madaxweynaha maamulka K/galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in xilligaan aan la joogin waqtigii ay ciidamada AMISOM ka bixi lahaayeen Soomaaliya.
Wuxuu sheegay Shariif Xasan in ciidamo Soomaaliyeed oo awood leh aysan dhisneen, sidaasi darteedna aanay macquul ahayn in shacabka Soomaaliyeed sidan looga tago waa sida uu hadalka u dhigaye.
“Waqtigii AMISOM bixi lahayd lama joogo sababtoo ah ciidamadiina ma dhismin dhulkiina nabad ma noqon, dadka Soomaaliyed haddii sidan looga tago dhibaato ayeey noqoneysaa, waxaan rajeeyneynaa in ciidamadii la dhiso, AMISOM iyadoo ciidamadii la dhisay, dhulkana nabad yahay, jidadkana furan yihiin markaasi la helo ciidamo kala wareegi kara, taas ayaana abaalmarin u noqon karta iyaguna shaqadii ay qabanayeen” ayuu yiri Shariif Xasan.




From the comments