Waxaa ka furmay magaalada Djibouti ee caasimadda dalkaasi bandhig ganacsiyeedkii ugu horreyay kaasi oo ay ka qeyb galayaan 500 oo shirkadood iyo 9 dowladood oo ay ka mid tahay Turkiga.
Ra’iisulwasaaraha Djibouti Cabdulqaadir Kaamil Maxamed iyo madaxa rugta ganacsiga Djibouti ayaa ka qeyb galay furitaanka xafladda bandhig ganacsiyeedka taasi oo socon doono ilaa 7 December.
Cabdulqaadir Kaamil Maxamed ayaa yiri “Dhacadaani muhiimka ah waxay ka qeyb qaadan doontaa horumarinta dhaqaalaha wadanka,sidoo kale waxay xaqiijineysaa horumarka ay ku talaabsaneyso qaaraddeena Afrika”.




From the comments