Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo garab ka helayey kuwa AMISOM iyo Al-shabaab oo dhinac ah ayaa habeenkii xalay ahaa ka dhacay duleedka degmada Qoryooley ee gobolka Shabellaha Hoose.
Wararka ay heshay Goobjoog News ayaa waxay sheegayaan in dagaalyahannada Al-shabaab weerar ku qaadeen fariisin ay ciidankaan ku lahaayeen deegaanka Mashalaay oo duleedka ka ah degmada Qoryooley.
Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaasi ku dhaawacmay Saddex qof oo mid kamid ah yahay shacab, Iyadoo khasaarahana intaasi ka badan karo.




From the comments