Madaxa ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ee ka tirsan ururka midowga Afrika ambassador, Franciso Madeira ayaa sheegay in qorshaha lagu dhimayo ciidamada AMISOM ay waxyeeleyneyso muhiimadda nabad ilaalinta, maadaama aan laheynin ciidamo dheeraad ah oo lagu badalo.
Ciidamada AMISOM ee ku sugan gudaha Soomaaliya ayaa waxay gaarayaan tiradooda 22 kun oo askari waxayna dalka joogeen muddo toban sano ah, laakin waxaa laga jarayaa sanadkan cusub1000 askari, waana qorshe dheer oo ay ciidamada AMISOM ay uga baxayaan dalka, mas’uuliyadda amnigana ay kala wareegayaan ciidamada Soomaaliyeed.
Xoogagga nabad-ilaalinta ee AMISOM ayaa waxaa ay kala kulmaan weeraro dhanka Al-shabaab kuwaasi oo ay ku xooganyihiin dagaalyahannada ururka Daacish ee looga soo adkaaday howlgalka milatari ay ka wadeen dalalka Liibiya iyo Siiriya.




From the comments