Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Oo Xukunno Kala Duwan Ku Riddey Afar Qof
Sheeko:Dalka

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa saakay oo Talaado ah waxay xukun ku riddey Afar nin oo eedeysanayaal ah, waxaana qaarkood ay ku eedeysanaayeen iney kamid yihiin Al-shabaab.
Guddoomiyaha maxkamadda Dararajada Koowaad Xasan Cali Nuur Shuute oo ku dhowaaqayey xukunka raggan ayaa sheegay in dhammaan lagu helay dambiyada lagu soo eedeeyay.
Magacyada iyo Sida Loo Kala Xukumay:
- C/qaadir Abukar Shaacir waxaa lagu xukumay dil toogasho ah
- Maxamed Cumar Akiile waxaa lagu xukumay Xabsi Daa’in
- Daa’uud Maxamed Cali waxaa lagu xukumay 10 sano oo xabsi ciidan ah
- C/laahi Ibraahim Geesey waxaa lagu xukumay Labo Sano oo Xabsi ciidan ah
Ugu dambeyn maxkamadda ayaa sheegtay in cid walbo oo aan ku qanacsaneyn xukunka lagu ridey ay u furan tahay iney racfaan ka qaadato.
Goobjoog News
Halkaan hoose ka akhriso xukunka maxkamadda