Laba shir oo caalami ah oo midkiiba maalin yahay oo ku saabsan Soomaaliya ayaa shalay iyo maanta lagu qabtay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Shirka shalay qabsoomay wuxuu ku saabsanaa amniga. Shirka maanta dhacay wuxuu ku saabsan yahay horumarinta Dowladnimada iyo dhaqaalaha Soomaaliya iyo weliba isla xisaabtan mid walba goonidiisa loola xisaabtamayo Dowladda Soomaaliya iyo Dowladaha aan saaxiibka nahay iyo ururrada caalamiga ah ee nagala shaqeeya horumarinta dalka.
Madaxweynaya ayaa furay labada shirba. Waxaana soo geba-gebeeyay Ra’iisal Wasaaraha, Waxaa ka qeyb galay Madaxweynayaasha Dowlad- Goboleedyada Soomaaliya dhammaantood iyo Duqa Caasimadda, Heer Federaal, Golaha Wasiirrada intooda badan ayaa ka jeediyay hadallo ku saabsan waxa qabsoomay iyo qorshaha hadda yaalla waxaa kale oo ka qeyb galay mudanayaal ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka.




From the comments