Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in habeenkii xalay ahaa ay howlgallo ballaaran oo amniga lagu sugayo ka sameeyeen xaafadaha qaar ee magaalada B/weyne.
Ciidamadan ayaa lagu arkayey iyaga oo baaraya gaadiidka, sidoo kalena waxay galayeen guryaha si ay amniga u xaqiijiyaan.
Saraakiisha hoggaamineysay howlgalkaasi ayaa sheegay in ciidamada ay baadigoobayaan rag ka tirsan Xarakada Al-shabaab, kuwaasi oo la rumeysan yahay iney ku dhuumanayaan xaafado ka tirsan B/weyne waa sidey hadalka u dhigeenne.




From the comments