Cali Ibraahim Cali (Cali Magafe) oo ahaa taliyahii saldhigga suuqa magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa ku dhintey qarax ka dhacay magaaladaasi.
Wararka waxay sheegayaan gaariga taliyaha uu ku qarxay dhabarka dambe ee madaxtooyada Gaalkacyo ee Puntland.
Qarax kadib waxaa goobta gaaray ciidamada ammaanka, iyadoo markii hore dhaawac ahaan halkaasi looga qaaday taliyaha, balse markii dambe uu dhintay.




From the comments