Madaxweynaha Mareykanka Dowland Trump ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu magaalada Qudus u aqoonsado caasimadda Isra’il, tillaabadaas oo aanu sameyn madaxweyne hore tan iyo markii Yuhuudda xooga ku yimaadeen dhulka Falastiin 1948-dii.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Trump uu dib u dhigi-doono go’aanka 2aad oo ah in uu safaaradda dalkiisa u raro Qudus, lamana oga xilliga uu taasi ku dhaqaaq—doono, waxaana laga yabaa in bilooyin ama sanado qaadato.
Mr. Trump waxaa uu shalay la hadlay madaxweynaha Masar Cabdifitaax Al-sisi, Boqoradda Sacuudiga Salmaan iyo Urdun Cabdalla iyo madaxweynaha Falastiin Maxamud Cabaas, waxaa kale uu la hadlay ra’isul wasaaraha Isra’il Benjamin Netanyahu.




From the comments