Wasaaradda tamarta iyo kheyraadka biyaha ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah waxay daah furtay mashruuca biyo siinta reer Miyiga.
Munaasabadda mashruucan lagu daah furayey oo ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiinta wasaaradda Tamarta iyo sidoo kale xubno ka socda IOM.
Mashruucan ayaa cosonaya 3 sano, waxaana ku baxaya lacag dhan 11 Milyan oo doolarka Maraykanka.




From the comments