Madaxtooyada Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa sheegtay in uu iskugu yeerayo hogaamiyeyaasha dowladaha ururka Iskaashiga Islaamka si loo qabto shir madaxeed degdeg ah oo ka dhacaya magaalada Istanbul kuna saabsan go’aanka Mareykanka ee arrimaha Qudus.
Afhayeenka Madaxtooyada Turkiga Irbrahim Golen oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in shir madaxeedkaan looga doodi doono qorsha Mareykanka ee ku saabsan inuu shaaciyey Qudus inay tahay Caasimadda Isra’iil.
Ibraahim Golen ayaa yiri “ Mgaalada Qudus waa karaamada Umadda Islaamka waana arrin kawada dhaxeysa, waana qad Cagaaran marka loo eego Turkiga, waxaan ugu baaqayaa Washinton inay Sidegdeg ah ay uga laabato qaladka ah in Qudus ay tahay Caasimadda Isra’iil”.




From the comments