Dhallinyarada ku dhaqan magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa bilaabay qorshe ballaaran oo ay ku doonayaan iney ku hormarinayaan magaaladaasi iyo sidoo kale guud ahaan gobolka Mudug.
Dhallinyaradan qaarkood oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay iney qaban doonaan shaqooyin badan oo ku aadan bilic soo celinta oo ay ugu horreyso magaalada Gaalkacyo.
Waxay dhallinyaradan ku mideysan yihiin magaca Horseedka Horumarka Mudug, waxaana ay doonayaan in si iskaa wax u qabso ah ay kusoo celiyaan bilicda Gaalkacyo.




From the comments