Maamulka degaanka Lafoole ee Shabeellaha Hoose ayaa cabasho ka muujiyay isbaaro ay sheegeen in ay dhigteen ciidanka Millateriga ee dowladda federaalka Soomaaliya.
Guddoomiye xigeenkii arrimaha bulshada degaanka Lafoole ee gobolka Shabeellaha Hoose Mukhtaar Nuur Geeseey oo lasoo xiriiray Goobjoog News, ayaa sheegay in baabuur badan oo isugu jira BL-ka iyo kuwa xamuulka ay ku xaniban yihiin inta u dhaxaysa Xaawa Cabdi iyo Baar Ismaaciil ee degmada Afgooye.
Waxaa uu ugu baaqay wasaaradaha gaashaandhigga iyo tan arrimaha gudaha ee xukuumadda Soomaaliya in arrintaasi ay soo farogeliyaan, islamarkaana taliyaha ciidanka xoogga iyo abaanduulahaba uu ugu baaqayo in ciidanka milateriga ee isbaarada dhigtay Xaawa Cabdi tallaabo laga qaado.




From the comments