Sida uu Goobjoog News u sheegay Eng. Cabdiqaadir Abiikar Xuseen oo ka tirsan saraakiisha wasaaradda Batroolka, waxaa dalka Norway ku sugan saraakiil ka socota Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, oo ay la socdaan Xubno Wasaaradda Maaliyadda iyo Guddiga Khayraadka ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Mas’uuliyiintan Soomaalida ah ee ka qeybgalaya siminaar ka dhacaya magaalada Stavanger, Norway waxaa ku wehliya waddamo Kale sida: Montenegro, Lebanon, Tanzania, iyo Sudan. Workshop ka wuxaa uu khuseeyaa sida Information management loo gu tababaran lahaa.
“ Mashruucan oo ay dhahaan Oil for Development , waxaa Soomaaliya u jooga Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta oo 5 qof ka socoto, wasaaradda Maaliyadda 1 qof ah iyo 1 Xildhibaan oo ka socda Baarlamanka Federaalka ah guddiga kheyraadka, Wafidigiisa oo mar hore yimid (1da Dec) waxay dhegeesteen Workshop qiimo badan iyo waxtar u leh wasaaradda horumarinteeda” sidaasi waxaa yiri Eng Abiikar.




From the comments