Kulan ay ku yeesheen saraakiisha kala duwan ee ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ayaa ka dhacay magaalada Maxaas ee gobolka Hiiran.
Kulankaan ayaa u jeedkiisa waxaa uu ahaa mid isbarasho ee dhexmarayay maamulka cusub ee degmada Maxaas ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo kuwa midowga Afrika iyo sidii loo sii xoojin lahaa wadashaqeynta u dhaxeysa ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ka howlgala magaalda Maxaas .
Gaashaanle dhexe Maxamuud Xasan Ibraahim oo ka mida saraakiisha ciidamada dowladda ayaa warbaahinta u faahfaahiyey waxa ka soo baxay kulanka.




From the comments