Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa si kulul u cambaareeyey dilka loo geystay Wariye Mohamed Ibrahim Gabow oo u shaqeynayay Telefishinka Kalsan kaas oo gaarigiisa miino loogu xiray.
Wasiir Eng. Yarisow ayaa yiri “Innaa Lillaahi Wa Innaa ILLeyhu Raajicuun, waxaan u tacsiyadeynayaa qoyskii, bahda saxaafada iyo shacabka Soomaaliyeed oo uu ka tagey marxuumka. Waxaana EEBBE uga baryayaa inuu Jannadii Fardowsa ka waraabiyo, dhammaanteena samir iyo IIMAAN EEBBE naga wada siiyo. AAMIIN”
Wasiir Eng. Yarisow ayaa si kulul u cambaareeyey falka dilka loo geystay wariyaha oo uu yiri “Si kulul baan u cambaareynayaa falka dilka loo geystay wariye Maxamed Ibarahim Gabow, waana muuqataa dhammaan calaamadihii kooxaha argagaxisada ee Al-Shabaab oo caadeystay dilka wariyeyaasha. Marxuumka waxuu ahaa aqoonyahay Jaamicad ku soo bartay dalka Uganda, lahaana mustaqbal wanaagsan.”




From the comments