Wasiirka Gashaandhigga Ruushka Sergei Shoigu ayaa sheegay in dalkiisa uu bilaabay in ay ciidamada kala baxaan Suuriya halkaas oo ay ku suganaayeen sanadihii ugu dambeeyay.
Wasiirka waxaa uu intaasi ku daray in mudada ay socon-doonto ka baxitaanka ciidanka ay ku xiran tahay sida ay noqoto xaaladda dalkaasi.
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa Isniintii booqasho lama filaan ah ku tagay Suuriya isaga oo ku dhawaaqay in ciidamadiisa uu la bixi-doono.




From the comments