Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qarax ismidaamin ah oo saakay ka dhacay Dugsiga tababarka ciidamada Jeneraal Kaahiya ee magaalada Muqdisho.
Qoraal ay soo dhigeen baraha ay ku leeyihiin Internetka ayaa waxay ku sheegeen iney iyaga ka dambeeyeen weerarkaasi oo ay ku tilmaameen inuu ahaa mid ay muddo diyaarinayeen.
Waxay sheegeen in ay dileen askar ka tirsan ciidanka Booliiska xilli ay safaf dhaadheer ku jireen barxadda Jeneraal Kaahiya.




From the comments