Siyaasiga Ciise Saciid Maxamuud ayaa sheegay in heshiiska Galmudug iyo Ahlu Sunna ay gaareen uu ahaa mid ay ku heshiiyeen labo qolo oo siyaasadda isku heysay oo kaliya ay heshiiyeen, oo loo baahan yahay heshiis bulsho.
Ciise Saciid, wuxuu ugu baaqay inay hoos u eegaan xaaladda dhabta ah ee gobolka Galgaduud oo aysan noqon sida loo malaynayo hadda oo ah inay dantooda keliya fiirsanayaan, wuxuuna soo jeediyay in xildhibaannada labada aqal ee laga soo doortay Galmudug lagu tixgeliyo aragtidooda.
Siyaasiga oo horay uga mid ahaa musharrixiintii xilka madaxtinimada u tartamay febraayo sanadkani 2017, ayaa sheegay in gobolka Galgaduud uu u baahan yahay in siyaasiyiinta, odayaasha dhaqanka iyo dhammaan dadka maamulka Galmudug ku shaqada leh ay heshiis dhab ah gaaraan.




From the comments