Saraakiisha caafimaadka ayaa Goobjoog News u xaqiijiyay in 13 qof ku dhinteen halka 15 kale ku dhaawacmeen qarax ka dhacay dugsiga tababarka booliska ee Jeneraal Kaahiye .
Wararka waxaa ay intaasi ku darayaan in qofka is-qarxiyay oo labisnaa dareeska ciidanka, xilli ay ciidamada ku jireen tababarkooda caadiga ahaa ee subaxnimo.
Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa maalmaha soo socda u dabaal-degi-doona maalinta la aasaasay oo ku began December 20, 1943




From the comments