Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaliyeed Sarreeye Gaas C/weli Jaamac Warsame ayaa ka hadlay Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee saakay ka dhacay barxadda dugsiga Tababarka ee Jeneraal Kaahiye.
Taliyaha ayaa ugu horreyn ka tacsiyadeeyay askartii ku dhimatay qaraxaasi, isaga oo Alle caafimaad uga baryey askartii kale ee ku dhaawacantay qaraxaasi.
Dhanka kale, taliye C/weli ayaa ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ku ammaanay sida ay marwalbo u feejigan yihiin si ay u sugaan amniga guud e dalka.




From the comments